Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla.. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-shabaab oo weerar xoogan ku qaaday Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla..

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo dagaalyahano hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay ka gadaal markii Al-shabaab ay weerar dhowr jiho ah ku qaadeen Saldhigyo Ciidanka Burundi ku leeyihiin Buulo-burde iyo Jalalaqsi, waxaana ka dhacay dagaalo muddo socday oo dhinacyada dhexmaray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo sheegayaan inuu ka dhashay dagaalkaas, iyadoona dadka deegaanka ay saqdii dhexe xalay maqlayeen dhawaqa rasaas la is dhaafsanayo.

Al-shabaab ayaa sheegtay in dagaalka uu dileen hal Askari oo kamid ahaa Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi, halka Askar kalena oo aysan tiradooda cadeyn ay dhaawacyo soo gaareen.

Si kastaba Al-shabaab ayaa horey weeraro kala duwan oo geystay khasaarooyin ku qaaday Saldhiyo ay leeyihiin Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM, waxaana dhowr jeer dhinacyada dhexmaray dagaalo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.