Al Shabaab oo weerar ku qaaday Degmo ka tirsan Gobolka Sh/hoose

Read Time:53 Second

Wararka ka naga soo gaarayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Saakay waabarigii hore ay weerar xoogan ku qaadeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa si gaar ah u weeraray Saldhiga Booliska Degmada Afgooye iyo xarumo kale oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ku leeyihiin Degmadaasi.

Dadka deegaanka Afgooye ayaa waxa ay sheegeen in saakay ay ku soo tooseen dhawaqa Rasaas xoogan oo ka dhaceyso Gudaha Degmada,iyagoona sheegay in Al Shabaab Weerar ay ku qaadeen gudaha Degamada Afgooye.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dagaalamayaasha Al Shabaab ay weerarka kasoo qaadeen Deegaanka Awdhiiglle oo ku dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Afgooye ayaa sheegay in Al Shabaab weerarka ay degmada ku soo qaadeen ay iskacaabiyeen,isla markaana waxa ay sheegeen in ay ka hortageen weerarkaasi.

Dagaalamayasha Al Shabaab ay inta badan weeraro ku qaada Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana weeraradaasi Khasaaro kala duwan ay kasoo gaartaan Askarta Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo dadka Shacabka ah ee ku nool Degmada.

 

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %