Al-Shabaab oo weerar ku dilay Shaqaalo Jaamacadeed kenya

Read Time:39 Second

Koox loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerareen Shaqaale ka tirsan Jaamacadda Ukunda ku taalla Magaalada  Mombasa   ee dalka Kenya.

Kooxda Shaqaalaha weerartay ayaa dishay laba Haween ah oo saarna gaari Jaamacadda leedahay,waxaana xilliga la weeraray la socday Ciidamo katirsan booliska Kenya oo ilaalo ka haayey.

Taliyaha Booliska Gobolka Xeebta ah ee Kenya Larry Kieng, ayaa sheegay in kooxda weerarka geysatay ay ku tuhmayaan in ay yihiin AL-shabaabka ka dagaallama Kenya.

Booliska ma sheegin khasaare kale oo ka dhashay weerarkaas iyo in ay waxyeello u geysteen kooxda weerartay Gaari Jaamacadda Ukunda ee Dalka Kenya.

Horay ayaa Xubno katirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab waxaa ay weerar ka geysteen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla dalka Kenya, iyaga oo dilay Askar iyo dad Shacab ah intaba.Al

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.