Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin Buulo Mareer

Read Time:42 Second

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxyo xooggan oo loo maleynayo inay ahaayeen gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa laga maqlay agagaarka saldhiga Ciidamada AMISOM, kaddib waxaa xigay dagaal culus.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegaya in dagaal dhowr jiho ah lagu qaaday Saldhigga Ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer, isla markaana la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiggaas uu u eg yahay weeraro Al-Shabaab horay ugu qaadeen saldhigyada AMISOM oo ku bilowday qaraxyo baabuur iyo mid toos ah.

Illaa iyo hadda lama haayo faah faahin rasmi ah oo ku aadan weerarkan lagu qaaday saldhigga Ciidamada AMISOM ee ka socda Uganda ku leeyihiin Buulo Mareer.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %