Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday Ciidamo galbinayay gaadiid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-shabaab oo weerar dhabba-gal ah ku qaaday Ciidamo galbinayay gaadiid

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar dhabba-gal oo gelinkii dambe ee Maanta lagu qaaday kolonyo ay la socdeen Ciidamo dowladda Federaalka Soomaaliya oo galbinayay gaadiid badan oo dhuxul siday.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeeysa tuulado lagu magacaabo Doonka oo 10-KM u jirta degmada Afgooye xigtana dhinaca waddada aadd degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weerarka gaadiidka ku qaaday rag loo maleynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo soo gaaray Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Darawaladii waday gaadiidka nuuca xamuulka qaado ah oo siday dhuxul badan oo u rarneyd Ganacsato.

Inta la xaqiijiyay 9 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen darawladii gaadiidka kaxeeynayay ayaa ku geeriyooday weerarka, halka laba Askar kalena ay dhaawacyo soo gaareen, waxaana goobta ka dhacay dagaal kooban.

Al-shabaab horey weeraro xoogan oo geystay khasaaro kala duwan ku qaaday Ciidamo ka tirsan dowladda oo galbinayay gaadiid badan oo dhuxul siday, sidoo kalena deegaano ka tirsan Gobolada dalka dhowr mar ku gubay gaadiid dhuxul siday.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.