
Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar culus ku qaadeen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku leeyihiin degmada Afgooye oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka degmada qaarkood ayaa ku waramay in dagaalka oo socdey in ka badan Saacad uu ka dhacay fariisinka Ciidanka dowladda ee Buundo Yareey,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo kala gaarey labada dhinac.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka ay ku dhinteen hal askari iyo qof Shacab ah,sidoo kale intii uu dagaalka socdey ay Ciidamada AMISOM madaafiic dhowr ah ay rideen.
Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan ka heleyno Afgooye ayaa waxaa ay sheegayeen in xaalada Afgooye ay tahay mid degan,hayeeshee ay Ciidamada wadaan dhaq dhaqaaqyo.