Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhiga Ciidamada Dowladda ee Marka

Read Time:54 Second

Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab ayaa xalay fiidkii waxaa ay weerar ku bilaawdey Gawaari laga soo buuxiyey qaraxyo ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dad ku sugan Magaalada Marka ayaa  waxaa ay  sheegeen in dagaal kooban uu duleedka Marka ku dhex-marey Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Guutada 14-Octoober iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Dadka degmada ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in mararka qaar Gudaha dgemada ay kusoo dhacayeen rasaasta hubka ay isku adeegsanayeen labada dhinac balse aan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka Shacabka ah.

Taliyaha Ururka 4aad Guutada 14 Oktoober Dhamme Cusmaan Maxamed Muuse ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab,isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii dhacay.

Wararkii ugu dambeeyey ee saaka naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan,hayeeshee xaalada ay tahay mid degan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %