Al Shabaab oo war kasoo saartay Qaraxii uu ku dhaawacmay Xildhibaan Booroow
War qoraal ah oo lagu baahiyay Warbaahinta ku hadasha Afka Ururka Al Shabaab ayey ku sheegteen Mas’uuliya Qaraxii gaari ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Afaafka hore ee Tiyaatarka Qaranka Soomaaliya.
Qaraxa ayaa waxaa lagu soo xiray gaari uu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqaan Booroow,waxaana uu sababay qaraxa dhimasho iyo dhaawac.
Xildhibaan Booroow ayaa waxaa qaraxa kasoo gaaray dhaawac culus,halka uu geeriyooday Darawalkiis oo gaariga waday,iyadoona gebi ahaan uu Gaariga bur buray.
Waxaa la sheegay in Xildhibaanku uu ka yimid dhinaca wadada 15-may, islamarkaana uu qarxay gaarigu xilli uu marayey halka gaadiidka lagu baaro ee agagaarka Tiyaatarka Qaranka.
Sidoo kale dhaawaca xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed oo loo yaqaan Booroow ayaa waxaa la geeyay Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hogan,halkaasi oo hadda xaaladiisa Caafimaad lagu dabiibayo,waxaana isbitaalka ku booqday Madaxda dowlada Soomaaliya oo ay ugu horeeyan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka,iyo xubno ka tirsan labada Gole ee dowlada Soomaaliya.
Comments are closed.