Al-Shabaab oo war kasoo saarey duqeyntii Shabeellaha Hoose Ganacsade lagu diley * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo war kasoo saarey duqeyntii Shabeellaha Hoose Ganacsade lagu diley

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa markale duqeymo khasaaro  geystay  waxaa ay ka fuliyeen deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose ee dhaca Koonfurta Soomaaliya.

Duqyentaas ayaa mareykanka waxaa uu sheegay in uu ku diley Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee Al-Shabaab ay sheegeen in la diley Ganacsade Caan ah iyo Geel Farabadan.

Warar lagu daabacay Baraha taageera Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in Duqeymahan oo ka dhacay degaanka Kuunyo Barrow iyo duleedkiisa lagu dhuftay Gaari uu leeyahay Ganacsade lagu Magacaabi jirey uusow Xaaji Maxamad Yuusuf,isla markaana uu ku dhintey Ganacsadaha iyo xoolo daaqayay meel u dhow halka duqeynta ka dhacday.

Sidoo kale Shabaab waxaa ay sheegeen in duqeyn kale oo ka dhacday duleedka Kuunya-Barrow lala beegsaday xoolo farabadan,isla markaan duqeyntaas lagu diley 12 Neef oo geele ah.

Marka laga soo tago warkaan kasoo baxay Al-Shabaab Mareykanka iyo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay siwadir ah u sheegeen in duqeyntaas lagu diley Saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!