Al Shabaab oo soo dhawaysay joojinta Khaadka la keeni jiray somalia

Read Time:38 Second

Muqdisho (Mareeg)—Xarakada Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay war ka soo saartay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku joojisay Khaadka loo iib keeni jiray Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Dheere oo arimahaasi ka hadlay ayaa waxuu sheegay in Khaadka uu yahay dhibaato heysata Umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Cali Dheere ayaa waxuu tilmaamay sidoo kale Khaadka uu yahay mid Shacabka Soomaaliyeed looga mashquulinayo in ay gaaraan horumar wanaagsan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Al Shabaab ayaa waxuu soo hadal qaaday in burburay go’aankii ka soo baxay Xukuumadda Soomaaliya, isagoona xusay in Khaadka haatanba Dooman lagu geeyo Magaalooyinka Gaalkacyo,Guriceel iyo Kismaayo.

Dhawaan ayey aheyd markii Wasiirka Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Khaadka si KMG ah looga jooyay Dalka Soomaaliya.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %