askar ka goosatay dowlada Somalia
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Labo askari oo ka goosatay dowlada Somalia

Xarakada Alshabaab ayaa soo bandhigtay askar ay sheegtay inay kasoo goosteen ciidamada milateriga Soomaaliya ee ka howlgala gobolka Sh/hoose.

Askarta la sheegay inay isku dhiibeen Xarakada Al-Shabaab ayaa ahaa ayaa laba askari oo ka howlgeli jiray aagaga Marko iyo Shalaambood, iyadoo watay laba qori.

.Warbaabinta Al-Shabaab ayaa faafisay muuqaallada iyo wareysiyo lala yeeshay labadan askari oo sheegay inay ka towbad keeneen ka mid ahaanshihii ciidamada Dowladda Federaalka.

Saraakiisha Wasaarada gaashaandhiga dowlada Somalia kama hadlin in askartan ay ciidankooda ka tirsanaayeen iyo in kale.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!