Al-Shabaab oo soo bandhigtay diyaarad Drone oo soo dhacday+Sawirro

Read Time:35 Second

Al Shabaab ayaa waxay Axadii soo bandhigtay mid ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dalka Mareykanka, taasoo ku soo dhacday Gobolka Shabellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa qoraal ku sheegtay in diyaaradaasi ay ku soo dhacday deegaanka Toora Toorow, isla-markaana ay maleeshiyadeeda u suurta-gashay inay gacanta ku dhigaan.

Al Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay inay gacanta ku hayso qalabkii diyaaradaasi, oo nooceeda ay ku sheegtay kuwa wax duqeeya.

Militariga Mareykanka ee Somaliya ku sugan ayaa inta badan waxay duqaymaha ka dhanka ah Ururka Al Shabaab ku fuliyaan diyaaradahooda bilaa duuliyaha ah.

Tan iyo markii uu Madaxweyne Donald Trump uu xafiiska la wareegay ayuu Mareykanku dardar-geliyay weerarada dhinaca cirka, ee ka dhanka ah Shabaabka hubeysan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %