Al-shabaab oo soo bandhigay Magacyada & Sawirrada raggii fuliyey weerarkii… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-shabaab oo soo bandhigay Magacyada & Sawirrada raggii fuliyey weerarkii…

Al-Shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin internet-ka waxaa ay ku baahiseen muuqaallada, Sawirada  & magacyada iyo raggii fuliyey weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Mareykanka ee deegaanka Manda Bay ee dalka Kenya.

Weerakaas ayuaa waxaa uu dhacay 5-tii Janaayo sanadkii  2020, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah oo uu kujiro Sarkaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka.

Hoos Ka Akhriso Magacyada raggii fuliyay weerarkii Manda Bay ee dalka Kenya.

1: Moulana Faruq Moulana (Ahmed Al-Muhajir), hoggaamiyihii kooxda una dhashay dalka Yeman.

2:  Abubakar Al-Muhajir, oo u dhashay dalka Tanzania.

3 : Cali Maxamed Cali (Qudama Al-Muhajir), oo kasoo jeeda dalka Ethiopia, kana soo jeeda qabiilka Burj, balse ku dhahsay kuna barbaaray magaalada Nairobi.

4 :  Cabdilwali Muhammad Ibrahim (Moallim Omar) iyo , oo kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool, islamarkaana ahaa taliye ku-xigeenkii kooxda weerarka fulisay.

5 : Aadam Imaan Yuusuf (Abdulkariim Alansari), oo kasoo jeeda gobollada Baay iyo Bakool.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale baahisay codka Hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmad Cumar Abu Cubayda oo uu kaga hadlay weerarkaas. Lama shaacin taariikhda la duubay codkaas.

Abu Cubayda ayaa sheegay inuu si dhow ula shaqeeyay dhalinyarradan weerarka ku qaaday saldhigga Manda Bay, isagoo ku maanay inay tusaale yihiin dhalinyarrada kale, sida uu hadalka u dhigay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More