Al-Shabaab oo soo bandhigay Askari ka tirsan AMISOM oo isku soo dhiibay

June 30 (mareeg)— Askari ka tirsan AMISOM ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab, iyadoo askarigan maalinimadii shalay lagu soo bandhigay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa xaqiijiyay in Askarigan uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howl galka AMISOM, isla markaana uu qaabilsanaa Saadka Ciidamada ee degmada Qansax-Dheere.

Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere Aadan Cabdi Qooqane ayaa u sheegay Idaacada VOA in Sarkaalkan ka tirsan Ciidamada Itoobiya uu isku dhiibay Al-Shabaab, isagoo xusay inuu si dhuumaaleysi uga baxay Qansax-dheere, isla markaana tagay Ufurow

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in sarkaalkaasi uu sii maray tuulo la yidhaahdo Geriyow oo degmada Qansaxdheere u jirta sideed KM kaasoo dadka tuuladaasi weydiisatay jidka taga deegaanka Ufurow.

Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Talahun, waxaana markii shalay lagu soo bandhigay fagaare ku yaala degmada Diinsoor uu sheegay in aabihii uu joogo dalka Sudan, halka hooyadiis ay ku sugan tahay magaalada Addis Ababa.

Taliska AMISOM ayaan weli ka hadlin sarkaalkan u goostay Al-Shabaab, waxaana ay noqoneysaa markii u horeysay oo askari ka mid ah howl galka AMISOM uu u baxsado dhinaca Al-Shabaab.