Al shabaab Oo Shegay Arin ay la wadaageen Paul Anthony ka hor inta ayna dilin !

Read Time:38 Second

Kooxda Al-Shabaab ayaa ka hadashay dilkii maanta nin hubeysan uu magaalada Boosaaso ugu gaystay madaxii shirkadda DP World ee dekedda magaalada Boosaaso.

Afhayeenka howl-gallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la hadashay Paul Anthony Formosa, ka hor inta aysan dilin.

“Waan la hadalnay, waan u dignay, waxaana u sheegnay inuu dalka sharci ku joogo, oo uu isaga baxo, balse dhegaha ayuu naga fureystay” ayuu yiri Cabdicasiis Abuu Muscab.

Abuu Muscab ayaa sidoo kale idaacada Andalus u sheegay in dilkan uu qeyb ka yahay weerarada lagu beegsanayo shirkadaha shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Abu Muscab ayaa shirkadaha ay DP World ku jirto ku eedeeyey inay doonayaan in ay la wareegaan kheyraatka iyo dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.