Al Shabaab oo sheegtay Qarax ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo sheegtay Qarax ka dhacay Muqdisho

Bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo ah Afhayeenka dhanka howlgallada ee Al Shabaab ayaa waxuu sheegay in ay mas’uul ka ahaayen Qaraxii ka dhacay nawaaxiga Xarunta Baarlamaanka ee Muqdisho.

Waxuu xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dileen ugu yaraan 13 ka mid ahaa Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa halka lagu beegsaday Weerarkaasi.

Isagoo la hadlayay Idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa Muscab waxuu tilmaamay in askarta ay dileen ay ka mid ahaayeen Ciidamada Ilaalada Madaxtooyadda Soomaaliya.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Hay’addaha amaanka ee Dowladda Soomaaliya oo ku aadan Qaraxii ka dhacay Caasimada Soomaaliya.

Dhawaan ayee aheyd markii 17 Ruux ay ku dhinteen Weerar ismiidaamin ahaa uu ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee bartamaha Magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!