Al Shabaab oo sheegtay Qarax ka dhacay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo sheegtay Qarax ka dhacay Muqdisho

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa loo adeegsaday oo Maanta ka dhacay meel u dhow Koontorool ciidamada Dowladda ku leeyihiin Taalada Xaawa taako lagana ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay oo ah afaafka hore ee Maqaayada Dalsan ayaa waxaa ku yaalla Goob inta badan ay istaagaam  Gawaarida ku wajahan dhinaca Madaxtooyada, iyada oo qofka wata uu kasoo dago kadibna uu soo aado Koontoroolka Ciidanka si uu u tuso kaarkiisa Aqoonsiga kadibna uu sidaasi ku gudbo.

Ku dhowaad 5ruux ayaa la sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen halka dhaawacuna uu intaasi ka badan yahay,waxaana la sheegay in xilliga qaraxa uu dhacayay ay Goobta ku sugnaayeen gawaari kale, kuwaas oo ku wajahnaa dhinaca Madaxtooyada.,isla markaana burbur uu soo gaaray.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxaas, iyaga oo sheegay inay qarax ku weerareen koontorool laga ilaaliyo Madaxtooyada, isla markaana ay ku dileen Ciidamo ku sugana koontoroolka.

Qaraxan ayaa imanaya iyadoo wali ayna Muqdisho ka soo kabsan, weerarkii saacadaha badan qaatay ee Khamiistii hore lagu bartilmaameedsaday waddada Maka Al Mukarama.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!