
Read Time:30 Second
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax ismiidaamin ahaa oo lagu qaaday Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Qaraxan oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu beegsaday Saldhig Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Degaanka Baar Sanguuni ee Duleedka Kismaayo.
Al Shabaab oo dhabarka u ritay mas’uuliyada Qaraxaasi ayaa sheegay in ay ku dileen ugu yaraan 50 askari oo ka mid ahaa Ciidanka Dowladda Soomaaliya.
Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Jubaland oo ku aadan Qaraxii ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

About Post Author
Tuuryare
Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa
tuuryare10@gmail.com
Whatup:00252615990842