
Warbaahinta gudaha ee dalka Kenya ayaa waxa ay qortay xubno loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin xoogaga ururka Al-shabaab in weerar qarax loo adeegsaday ay la eegteen kolonyo ciidan ah oo ka tirsan dalka Kenya, gaar ahaan Booliska.
Qaraxan oo ka dhacay deegaanka Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa lala eegtay gaari nuuca dagaalka ah oo ay wateen ciidanka Kenya, iyada oo qaraxa kadib la maqlay rasaas fara badan.
khasaaraha hordhaca ah ee qaraxan laga helayo ayaa sheegaya in ay ku dhinteen inka badan 8 askari, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyada oo ciidanka dhaawamay la dhigay isbitaal ku yaalla gobolka.
Xoogaga Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Qaraxii ka dhacay Magaalada Wajeer ee Dalka Kenya.
Waxaa Al Shabaab ay xuseen in Qaraxa ay ku dileen ugu yaraan 15 askari.