Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo sheegtay in ay qabsadeen Gaari DAGAAL (SAWIRRO)

Kooxda Al Shabaab ayaa soo bandhigtay Gaari Dagaal oo ay ku sheegeen in ay ka soo qabsadeen Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in Xoogaga Kooxdu ay qabsadeen Gaarigan Dagaal, kadib markii Dagaal culus uu ka dhacay Degaanka Jazeera ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Waxaa bayaankoodu ku sheegeen in uu jiro khasaaro kala duwan oo Ciidanka Dowladda Soomaaliya lagu gaarsiiyay Dagaalkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidanka Xooga oo ku aadan warkan ka soo yeeray Xoogaga Al Shabaab.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!