Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen Askar Mareykan ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen Askar Mareykan ah

Al Shabaab ayaa sheegtay weerarkii Madaafiicda ee ay ku qaaden Xerada Ciidamada Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen saddex askari oo Ciidamada Mareykanka ka tirsan.

Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose, waxaa ku sugan Ciidamada Mareykanka ee Somaliya ka hawlgala, kuwaasi oo Saldhig wayn halkaasi ku leh.

Al Shabaab waxa ay sheegteen madaafiicda oo gudaha Saldhiga ku dhacay inay ku dhinteen saddexdaasi Askari oo mid ka mid uu yahay Taliye sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay kaloo sheegeen in halkaasi dhaawac uu ka soo gaaray Shan askari oo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugnaa.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Al Shabaab oo xaqiijinaya in khasaarahaasi uu soo gaaray Ciidamada Mareykanka ee Saldhigaasi ku sugan ee Madaafiicda shalay lagu weeraray.

Guutada Shabaab ee dhanka Madaafiicda u qaabilsan, ayaaka dambeeyay weerarkii Madaafiicda ku bilowday ee shalay lagu qaaday Saldhiga Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee Gobolka Shabellaha hoose.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!