Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen 5 ka mid ahaa Ciidanka Jabuuti

Read Time:47 Second

Wararka naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaalka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin degmadaas.

Weerarkaas oo dhaliyay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dad ku sugan degmada Jalalqsi waxa ay sheegeen in uu ahaa mid loo adeegsaday madaafiic lagu soo tuuray Saldhiga ciidamada Jabuuti ee degmada Jalalaqsi.

In kastoo aan weli la ogeyn khasaaraa rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi madaafiicda ah ayaa waxaa sheegtay Al-Shabaab,iyaga oo sheegay in weerar madaafiic ah ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti,isla markaana ay ku dileen 5 ka mid ah askarta Jabuuti kuwo kalena ay ku dhaawaceen.

Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha ciidamada Dwladda weli intaba kama hadlin weerarkaas madaafiicda ah oo Al-Shabaab ku qaadeen Saldhig ay ciidamada Jabuuti oo ka mid ah AMISOM ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.