Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo sheegtay in ay dileen 5 Askari (AKHRISO)

17

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay Weeraro siyaabo kala duwan loogu beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka 1-aad oo ahaa Qarax miino ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda waxaa lagula eegtay Degmada Howlwadaag, halkaasi oo lagu dilay ugu yaraan 3 askari.

Waxaa Weerarka 2-aad uu ka dhacay Degaanka Jazeera ee Duleedka Muqdisho, halkaasi sidoo kale lagu khaarajiyay labo askari.

Xoogaga Al Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Ilaa iyo hada majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ku aadan Weeraradaasi.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!