
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa shalay Gelinkii hore waxaa ay dagaal kula wareegeen Tuulada Xaaji Cali ee duleedka degmada Cadale halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaal xoogan oo ka dhacay Tuuladaas ayaa Al-Shabaab waxaa ay sheegeen in uu ahaa mid ay jidka u galeen Ciidamada dowladda ayey sheegeen in uu saacado badan qaatay kana guuleysteen Ciidamadii dowladda Federaalka ah ka socday.
Warbaahinta ku hadasha Afka Al-shabaab ayaa baahisey in dagaalka oo ka dhacay Tuulada Xaaji Cali ee ka tirsan Degmada Cadale ay guul ka gaareen kuna qabsadeen Gaadiid dagaal.
Gaadiid iyo hub ay sheegeen in ay halkaas ku qabsadeen ayey ku sheegeen in uu yahay Hub ay dowladda Turkigu siisay Ciidamada Soomaaliya ee ay tababartay.
Ciidamada ay sheegtay AL-shabaab in ay kula dagaallantay Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa ay ku sheegtay Ciidamada uu tababaray Turkiga ee uu qalabeeyay.
Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Hirshabeelle wali war rasmi ah kama soo saarin dagaalka ay guusha ka sheegatay Al-shabaab ee ka dhacay Gobolka Shabeellaha dhexe.