Al Shabaab oo sheegatay Xildhibaan lagu dilay Muqdisho
Bayaan ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada weerar qorsheysnaa Xalay lagu khaarajiyay Xildhibaan Ruqiyo oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Ruqiyo ayaa Xalay Kooxo hubeysanaa waxey ku dileen hooygeeda oo ku yaalla Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
“Howlgalkan oo ka dhacay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ayaa lagu khaarijiyey Ruqiyo Abshir Gambane oo ahayd xubin ka mid ah golaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed”, sidaasi ayuu lagu yiri warkii ka soo baxay Al Shabaab.
Sikastaba, Al Shabaab waxay hanjabtay in weerarada lagu beegsanayo saraakiisha dowladda Federaalka iyo dhammaan maamullada la shaqeeya ay kasii socan doonaan magaalada Muqdisho
Comments are closed.