Al Shabaab oo sheegatay weerar ka dhacay Dalka Kenya

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay weerar aad u xooggan oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya.

Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo ku daatay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah.

Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa xilli maanta ay ku beegantay sedax sano kadib markii uu dhacay weerarkii Ceelcadde oo lagu dilay in kabadan 200 oo askari Kenyaan ah.