Al-Shabaab oo Shaqaale ka afduubtay Kenya

Read Time:54 Second

Ugu yaraan Afar qof ayaa lagu afdubtay duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer  Cumar Bijaa ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in  afarta qof ee la afduubtay ay ahaayeen shaqaale dhisme.

Waxaa uu Cumar xusay in shaqaalaha dhismaha ay wateen Gaari  dul banaan ah islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba  iyo  Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer.

Cumar ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay.

“Waxaan xaqiijin karaa in wadaha Gaariga ay shaqaalaha wateen uu lugtiisa ku baxsaday, waxaa uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya, waana cararay, hadda waxaa uu ku suganyahay goob amaan ah” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Cumar Bijaa.

Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %