
Waaberigii hore ee saaka ayaa xubno ka tirsan Kooxda Al-Shabaab waxaa ay weerar culus ku qaadeen bar koontorool oo Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin degmada Balcad ee Gobolka Shabelelaha Dhexe.
Koontoroolka la weeraray ayaa waxaa uu ku yaallaa Galbeedka degmada Balcad halka laga soo galo gaar ahaan wadada aada Biyo Xireenka waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Dadku sugan Balcad ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in weerarkas ay ku geeriyoodeen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga iyo Nin Shacab ah oo lagu Magacaabi jiray Axmed Ganeey.
Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada weli kama hadlin weerarka Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Koontorool ku yaalla degmada Balcad,hayeeshee Al-Shabaab ayaa Warar ay ku daabaceen Baraha Internet-ka waxaa ay ku sheegeen inay weerarkaas ku dileen Saddex Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda.