Al Shabaab Oo Qof Shacab Ah Ku Gowracay Duleedka Degmada Waajid * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab Oo Qof Shacab Ah Ku Gowracay Duleedka Degmada Waajid

Wararka aan ka heleyno Gobolka Bakool gaar ahaan duleedka Degmada Waajid ayaa waxa ay ku waramayan in halkaasi Al Shabaab maanta ay ku gowraceen qof Shacab ah.

Qofka Shacabka ahaa  ee la sheegay inay gowraceen Al Shabaab ayaa ahaa Nin kaasi oo u socday Degmada Waajid, islamarkaana ay la socdeen Saddex qof oo kale,iyagoona Al Shabaab ay ku qabteen ragaan Deegaan lagu magacaabo Caleemow oo 22 KM ujira Degmada Waajid, kuna dhaw degaanka Buurdhuxule.

Ururka Al Shabaab la sheegay in ay diideen in raashin la geeyo Degmada Waajid oo ay go’doomiyeen, waxaana la sheegay nimankaasi in ay wadeen Gaari dameer raashin saaran yahay.

Ragii kale ee la socday Ninka la gowracay ayaa baxsaday, waxaana la sheegay in Ururka Al Shabaab isala markiiba ay gubeen raashinkii saarnaa Gaari dameerka.

Caddow C/raxmaan Jugle oo ah Gudoomiye Ku Xigeenka maamulka Degmada Waajid ayaa xaqiijiyay dilka ninkaasi, waxaana uu sheegay in lagu magacaabi jiray ninka la dilay Xasan Cali Maxamed Caalin.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!