AL-SHABAAB OO QABAA'ILKA SH/HOOSE KALA HADLAY DAGAALKA AY KULA JIRAAN DOWLADA IYO AMISOM * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AL-SHABAAB OO QABAA’ILKA SH/HOOSE KALA HADLAY DAGAALKA AY KULA JIRAAN DOWLADA IYO AMISOM

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla gudoomiyaha Ururka Al Shabaab ugu Magacaaban gobolka Shabelada Hoose oo qeybo kamid ah gobolkaasi kulan qaatay mid kamid ah Qabaa’ilka daga Shabelada Hoose ayaa waxa uu sheegay in qabaa’ilka gobolkaasi looga baahan yahay in ay qaataan kaalintooda ku aadan dagaalka ay Al Shabaab kula jirto dowlada iyo AMISOM, sida uu hadalka u dhigay. Abuu Cabdalla ayaa tilmaamay in imika Al Shabaab aysan heyn tabar la ‘aan ku aadan dagaalka, waxa uuna xusay in ay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, isagoona sheegay in qabaa’ilka gobolka Shabelada Hoose sidoo kale loo baahan yahay in ay ku daydaan qabaa’ilo uu sheegay in ay imika ka qeyb qaadanayaan dagaalka ay isaga soo horjeedaan Al Shabaab iyo Ciidamada huwanta ah ee isgarabsanaya. Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay waxaa ku wajahnaa dagaal saf balaaran ah kaa oo ay iska garab siinayaan Ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM, ayadoona dagaaladani ay Al Shabaab ku lumiyeen deegaano dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka arimin jireen, wallow Al Shabaab ay hore u sheegeen in aysan waxba u arkin deegaanada gacantooda ka baxaya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!