Al-Shabaab oo mar kale Xasuuq ka geysatay gudaha dalka Kenya +Tirada dhimashada * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo mar kale Xasuuq ka geysatay gudaha dalka Kenya +Tirada dhimashada

ararka aan ka heleyno degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa sheegaya in dad ka badan 16 qof lagu dilay weerar xalay saqdii dhexe Al-Shabaab ay ku qaadeen degmadaasi ,sidoo kale waxaa lagu dhaawacay 20 kale.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in weerarka ay ku qaadeen guri ay daganaayeen dad la sheegay in ay ahaayeen Kenyaati balse aan sicad loo sheegin sababta weerarkooda keentay.

Dadka la beegsaday ayaa lagu soo warramayaa in ay yihiin kuwa dhagaxa ka jebiya banaanka Mandheera . Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyada weerarka, balse ururka Al-Shabaab ayaa horay weerarro noocan ah uga fulisay Mandheera.

Ciidamada Ammaanka dalka Kenya ayaa goobta soo gaaray waxaana la sheegay in hadda ay wadaan baaritaano ku aadan qaabkii uu falkaan u dhacay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!