Al Shabaab oo la wareegtay Deegaan laga difaaci jiray magaalada Baraawe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda ay ka baxeen deegaan laga difaaci jiray magaalada Baraawe.

Ciidamada AMISOM ayaa baneeyay Deegaanka Rasadaay oo la sheegay in laga ilaalin jiray magaalada Baraawe, waxaana deegaankan durba la wareegay dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Sida aan Wararka ku helnay Ciidamada ka baxay deegaankaasi ayaa gaaray Deegaanka Buulo Mareer, lamana oga sababta keentay in ciidamada AMISOM ay ka baxaan deegaankaasi.

Magaalada Baraawe ayaa hada laga dareemayaa cabsi ku aadan in weerar ku qaadaan Al Shabaab, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidamo katirsan Dowlada iyo kuwa AMISOM.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245