Al-Shabaab oo la wareegay saldhigii Ciidamada AMISOM ee Janaale

September 1 (Mareeg)— Al-Shabaab ayaa saaka la wareegay saldhig Ciidamada AMISOM ku lahaayeen halka laga soo galo Janaale, kadib weerar culus oo ay saaka ku qaadeen.

Weerarka Al-Shabaab ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray saldhiga Ciidamada oo ku dhow agagaarka Buundada laga galo deegaanka.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dagaal qaatay saacad kadib gudaha u galay xerada ay lahaayeen Ciidamada AMISOM.

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Hoose C/fataax C/llaahi Xaaji ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la wareegeen saldhiga Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, isagoo tilmaamay in dagaal culus uu ka dhacay.

“Xerada AMISOM dagaal xun ayaa ka dhacay, warbixinada u dambeeyay ee aan heleyno waxaa in nimanka ay xerada galeen”ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka Shabeellaha Hoose oo intaa ku daray in ciidamo gurmad ah ku wajahan yihiin.

Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiro khasaare xoogan oo Ciidamada AMISOM ka soo gaaray weerarka, iyadoo ciidamada qaar ay ku firxadeen dhinaca beeraha wabiga, lamana oga inay dib ugu gurteen iyo in kale.

Isgaarsiinta ayaa la sheegay in Al-Shabaab hawada ka saartay, taasoo adkeysay in war rasmi ah laga helo xaalada deegaanka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in dagaalka uu ku bilowday weerar ismiidaamin ah, ayna la wareegeen deegaanka Janaale, isla markaana khasaare xoogan ku gaarsiiyeen Ciidamada AMISOM.

Weerarkan ayaa u qaab ek weerarkii horaantii bishii Ramadaan lagu qaaday saldhig Ciidamada AMISOM, gaar ahaan ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Leego, halkaasoo Al-Shabaab ku dishay in ka badan 50-askari.

Weerarka saaka lagu qaaday saldhiga Ciidamada AMISOM ee deegaanka Janaale ayaa ku soo beegmaya iyadoo muddo sanad ka soo wareegatay geeridii Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Abuu Zubeyr oo duqeyn uu Mareykanka ka fuliyay meel ku dhow Baraawe lagu dilay.