Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo la wareegay Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Kenya

Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar culus ku qaadeen Saldhig ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowladda kenya,kaas oo ku yaalla deegaanka Dhicise oo qiyaastii 30 KM u jira magaalada Gaarisa gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka kadib ayaa waxaa la sheegay in uu halkaasi ka dhacay dagaal culus oo sababay khasaaro kala duwan,kaas oo dhex-maray Ciidamada Kenya iyo dagaalamayaasha Al-Shababa ee weerarka qaaday.

Al-Shabaab ayaa warar ay ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska dalka Kenya ay ka qabsadeen deegaankaasi, islamarkaana ay dab qabad siiyeen xarun ay shirkadda Safaricom ku laheyd halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay inay saanad Milatari ka soo qaadatay saldhigga ciidamada Kenya ee deegaanka Dhicise, sida ay hadalka u dhigtay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska dalka Kenya weli dhankooda kama hadlin weerarka lagu qaaday Saldhiga ay Ciidamadooda ku lahaayeen duleedka Gaarisa,isla markaana Shabaab ay ku sheegteen inay la wareegeen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!