Al Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Galcad Dad gowrac ku dhaqaaqey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Galcad Dad gowrac ku dhaqaaqey

Ceeldheer( Mareeg)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa ku soo warramaya in Ciidamadii Ethiopia ee ku sugnaa deegaankaasi ay faarujiyeen.

Markii ay Ciidamada Ethiopia ka baxeen deegaanka waxaa iyaguna halkaas isaga huleelay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka deegaanka oo meediyaha qadka Taleefanka kula hadlay ayaa waxa ay sheegeen in Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab qaab nabad gelyo ah kula wareegeen deegaanka Galcad.

La wareegista Al Shabaab ee deegaanka Galcad kadib ayaa waxaa cabsi xoogan ay soo food saartay shacabka ku nool deegaanka Galcad oo ka cabsi qaba in gudaha deegaankaas ay ku dagaalamaan Ciidamada huwanta iyo Al Shabaab.

Cabsida ugu badan ayaa laga qabaa in Ciidanka Ethiopia ee saaka baneeyay deegaankaasi Galcad ay dib u soo rogaal celiyaan.

Al Shabaab ayaa indhawaanahaan weeraro kala duwan ku qaadayay Tuulooyin hoostaga deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud.

Mid ka mid ah weeraradaasi Al Shabaab ayaa waxaa lagu dilay guddoomiyihii deegaankaasi Galcad Qadar Muxumud Cali oo kalonyo uu la socday ee ay wateen Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ay Al Shabaab-ku weerareen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in illaa 3 Oday dhaqameed lagu gowracay deegaanka Ceelhareeri ee Gobolka Galgaduud.

Halka Odayaal kale oo illaa 5 xubnood gaarayay laga qafaashay isla deegaankaasi Ceelhareeri.

“ Odayaasha la gowracay Mid waxaa la yiraa Xasan Maxamed Cali , wadaad iska waayeel ah buu ahaa, oo xamar laga keenay ee Eerno looga soo qalay, Mid Cabdisalaan ayaa la yiraa oo hareeri ku Magac dheeraa , kan 3aad Magaciisa ma Xasuusto waa isla deegaanka isaguna” sidaas waxaa yiri qof deegaanka ah oo Shabelle qadka Taleefanka ugu warramay.

Muddooyinkii dambe waxaa Xiisado kacsanaan ah ay ka taagneed deegaanno iyo degmooyin hoostaga Gobolka  Galgaduud , una dhexeysay Ciidamada dowladda Federaalka oo garab milatari ka helaya Ciidanka Ethiopia iyo weliba Xarakada Al Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!