Al-Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Mudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan gobolka Mudug

Xoogag Taabacsan Al-Shabaab oo saaka la wareegaydeegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa bandow ku soo rogay, iyagoo ku amray dadka inaysan ka soo bixin guryaha.

Wararka ayaa sheegaya in goobaha ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka deegaankaas uu hakad ku yimid, iyadoo lagu arkayo Xoogaga Al-Shabaab oo gaaf wareegaya goobaha muhiimka ah ee deegaanka Camaara.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa la wareegay deegaano kale oo ka tirsan Koofurta Gobolka Mudug oo ay ku jirto deegaanka Bacaadweyne.

Deegaanka Camaara ayaa waxaa horay uga dhacay dagaalo u dhaxeeyay labo beelood, waxaana dagaaladan ku dhintay dad badan.

Maamulka Galmudug ayaan weli ka hadlin la wareegida Al-Shabaab ee deegaanadan ku yaal Koofurta Gobolka Mudug.

Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowaanahan dhaq dhaqaaqyo milateri ka bilaabay gobolada koofureed, iyagoo la wareegay deegaano ka tirsan Gobollada Shabeellaha Hoose iyo Hiiraan,

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!