Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Dagaalka ayaa yimid,sida la sheegay ,kadib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay gacanta ku hayeen dad is aruursaday,kana soo horjeeda Maamulka Al-Shabaab,waxaana halkaasi kadhacay dagaal in ka badan hal saac socday.

Dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa goorsii horeysay waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen in ka badan laba ruux,isla markaana intii uu dagaalka socday ay la wareegeen deegaanka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gebi ahaan isgaariinta Magaalada la jaray aanan sirasmi ah loo ogaan karin xaalada ka jirta,sidoo kale Ciidamada deegaanka ay u baxeen deegaano dhaca duleedka Ceel-Cadde.

Si kastaba dagaalka Maanta kadhacay deegaanka Ceel-cadde weli kama hadlin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo la wareegitaanka deegaankaas ee Al-Shabaab.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!