Al Shabaab Oo Ka Hadlay Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha

Read Time:38 Second

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax xooganaa oo ka dhacay Garoonka diyaaradaha degmada Buula Barde ee Gobolka Hiiraan oo Saldhig Malatari u ah Ciidamada jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Amisom.

Jugta qaraxa  oo Miino aheyd, ayaa si weyn loogu maqlay Xaafadaha degmada Buula Barde,waxaana jiro khasaare ka dhashay qaraxa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Jabuuti ee ku sugnaa Garoonka diyaaradaha degmada Buula Barde.

Dhanka kale Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa sida ay baahisay warbaahinta Al-Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Ciidamadda Jabuuti ee ku sugan gobolka hiiraan oo loogu hadlaayo qaraxaan ka dhacay Degmadda Buula Barde iyo Sheegada Shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %