Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Nin lagu helay fal xun * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-shabaab oo goob fagaare ah ku toogtay Nin lagu helay fal xun

Goob fagaare ah oo ku taalla deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee shalay waxa ay Al-shabaab ku toogteen nin la sheegay inuu Sixiroole ahaa.

Nin la toogtay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Sidiiq Xuseen, kaasi oo Maxkamadda Al-shabaab ay sheegtay inuu dadka deegaanka ku dhibaateyn jiray falka Sixirka ahaa, uuna dad badan ku kala geeyay.

Dadweyne farabadan oo degay ayaa la isugu geeyay goobta uu xukunka dilka toogashada aha aka dhacayay, kuwaasi oo Shabaab ugu tala-galeen inay Daawadan, sida uu u dhaceyso toogashada.

Maxkamadda Shabaab ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayuu Maxamed Sidiiq Xuseen kahor qirtay inuu muddo sannado ah ku shaqeysan jiray falka Sixirka ahaa.

Al-shabaab ayaa horey rag lagu soo eedeeyay inay Sixiroole ahaa ahaayeen waxaa ay ku toogteen deegaano ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka, sidoo kalena horey u toogtay rag kale oo arrimo kala duwan lagu eedeeyay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.