Al Shabaab Oo Garacad Isaga Baxay Lana Wareegay Deegaan kale Oo Hoostaga Gobolka Nugaal

Ayl ( Mareeg)-Dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ayaa dib isaga baxay deegaanka Garacad iyagoona la wareegay deegaan kale oo lagu Magacaabo Kulub oo hoostaga degmada Ayl ee Gobolka Nugaal.

Ciidamada Puntland ayaa dib ula wareegay deegaanka Garacad oo dib ay u faarujiyeen dagaalamayaasha Ururka Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi dhammaan laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo xiisad xoogan.

Puntland ayaan weli wax faah faahin rasmi ah ka bixin xiisadaha ka jira deegaanadeeda.