Al Shabaab oo Gaari ka soo afduubtay Dalka Kenya

Read Time:30 Second

Ceelwaaq (Mareeg)—Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaari ay ka soo afduubteen Xadka ay u dhaxeeye Dowladda Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiye Ku Xigeenka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, Sahal Macalin Maxamuud, ayaa sheegay in Xoogaga Al Shabaab ay soo afduubteen Gaari ay saaran la socdeen Muwaadiniin Kenyaan.

Mr. Sahal ayaa u sheegay Idaacadda Shabelle in Ciidamada Dowladda ay kula Dagaalameen Xoogaga Al Shabaab oo ka yimid dhanka Degmada Ceelwaaq ee Dalka Kenya.

Sikastaba, Xoogaga Al Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in Gaarigan ay la aadeen Degaano ka tirsan Gobolka Gedo oo ay iyagu gacanta ku hayaan.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %