Al-Shabaab oo degmooyinka ka tirsan Sh/Hoose ka mamnuucay daawashada Telefishinada Soomaaliga”

Mareeg.com-Wararka ka imaanaya degmooyinka Baraawe iyo Buulo Mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay ka mamnuucday in dadweynaha ku nool degmooyinkaas inay fiirsadaan Telefishinada afka Soomaaliga ku hadla.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga in lagu amray in aanay dadka fiirsan karin Telefishinada Af soomaaliga iyo kuwa kale, iyadoo lagu wargeliyay dadka inay dejiyaan saxanka aalada Saterlite ku shaqeeya ee Diishka loo yaqaano.
baraawe