Al-Shabaab oo dagaal looga qabsaday deegaan muhiim ah oo ay ka talinayeen

Wararka laga helaayo Gobalka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in maanta ciidamada DF Somalia iyo kuwa AMISOM in ay la wareegeen deegaanka Ufuroow  ee gobalkaasi ka dib dagaal halkaasi ka dhacay.

Dagaalkan ayaa waxa uu yimid ka dib markii ciidamada duulaanka soo qaaday ay kasoo tageen dhanka iyo degmada Diinsoor ee gobalka Bay iyaga oo u suura gashay in ay qabsadaan deegaankan.

Dhanka kale ciidamadii Al-Shabaab ee ku sugnaa Ufuroow ayaa la sheegay in ay halkaasi isaga baxeen iyada oo aan la ogeyn halka ay ka sii aadeen deegaanka ,sidoo kale wali lama shaacin qasaaraha ka dhashay dagaalka lagu qabsaday Ufuroow.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa waxa uu culeys xoogan ka heystaa dhanka iyo degmada Baardheere iyadoo halkaasi ay ku sii jeedaan ciidamao is garabsanayo kuwaaso oo doonayo in gobalkaasi Gedo ay ka wada saaraan Al-Shabaab.

Ugu danbeyntii xaalada deegaanka Ufuroow ayaa degan waxaan fariisimo cusub ka sameystay ciidamadaa isgarabsanayay ee halkaasi la wareegay maanta.