Al-Shabaab oo dagaal kula wareegay deegaan ka tirsan Hiiraan

Read Time:46 Second

Wararka naga soo gaaraya degaanka Ceel cade gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay Maanta dagaal kula wareegeen deegaankaas.

Dadka deegaanka qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen deegankaas,isla markaana dagaal kooban ay la galeen masleeshiyaad deegaanka ah oo gacanta ku haayey.

Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu 55km u jiraa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,waxaana uu kamid yahay deeegaannada ugu amniga wanaagsan Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka qaarkood oo diidey in Magacooda iyo Codkooda loo adeegsado Qalabka Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in Al-Shabaab qaar kamid ah dadka deegaanka la hadleen,isla markaana weli ay ku sugan yihiin deegaankaas.

Si kastaba shalay ayay aheyd markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay sinabad ah oo dagaal la’aan ah ay kula wareegeen deegaanka Farlibaax oo 45 Km u jira Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %