Al-Shabaab oo dagaal cusub uu kaga furmay Sh Hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo dagaal cusub uu kaga furmay Sh Hoose

Baraawe – Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ay ku dagaallameen dhul beero ah oo ku yaalla gobalkaas.

Inta la ogyahay hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay dagaalka in ka badan afar askari waa ay ku dhaawacmeyn oo labo ka mid ah ciidanka AMISOM.

Dagaalka ayaa billowday markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay ku dhaqaaqeyn deeganno u dhow degmooyinka Qoryooleey iyo Buulo-Mareer oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab

Guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii) oo VOA la hadlay ayaa sheegay in tiro Al-Shabaab ay ku dileen dagaalka ka dhacay gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay u jeedka dagaalka in uu yahay siddii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen degmooyinka Qoryoolee iyo Buulo-Mareer oo gacanta Shabaabka ku jirra.

Al-Shabaab ayaa weli gacanta ku heysa degmada Baraawe ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaas dhowr jeer weerar ku qaaday ciidamada sidda weyn u tababbarran ee Maraykanka iyo Faransiiska. Xigasho caasimada

Caasimada Online

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!