Al-Shabaab oo Dafiray inay ku leedahay dilkii odayaashii lagu laayay duleedka Buur-Hakaba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al-Shabaab oo Dafiray inay ku leedahay dilkii odayaashii lagu laayay duleedka Buur-Hakaba

Mareeg.com-Xarakada Al-Shabaab ayaa iska fogeysay inay ka dambeysay dil wadareed shalay loogu geystay duleedka magaalada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, kadib markii gaari ay saarnaayeen ilaa sideed oday dhaqameed oo ka yimid Baydhabo si arxan daro ah loo laayay.

Warka ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Xarakada aanay ka mas’uul aheyn weerarkaas, isla markaana dhinac isaga riixay eedeyn ka soo baxday saraakiisha dowladda ee Gobolka Baay oo ahaa in Al-Shabaab ka dambeeyee dilkaas.

“Mujaahidiinta wax lug ah kuma lahan dhacdadii Buur-Hakaba ee lagu dilay sideeda qof”ayuu yiri Sarkaa ka tirsan Al-Shabaab oo la hadlay baraha internet-ka ee taageera.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay in dilkaas ay ka dambeeyaan kooxaha la shaqeeyay ciidamada shisheeye, iyadoo cadeysay in haba yarataee wax raad ah ay ku leedahay weerarkaas shalay gelinkii dambe ka dhacay meel duleedka ka ah Buur-Hakaba.

Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Baay Mahad C/kariin ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab inay ka dambeeyeen odayaashii lagu laayay duleedka Buur-Hakaba.

Odayaasha dhaqanka ee lagu laayay duleedka Buur-hakaba ayaa ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana ay ka mid ahaayeen ergadii u fadhiyay shirkii maamulka lixda gobol ee koofur galbeed, kuwaasoo Madaxweyne u doortay Madoobe Nuunow

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!