Al Shabaab Aad U Badan Oo Kusii Qul Qulaya Deegaanada G/Galgaduud * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Al Shabaab Aad U Badan Oo Kusii Qul Qulaya Deegaanada G/Galgaduud

General Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Bariga Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay in dagaalyano badan oo ka tirsan Al-Shabaab ay soo galeen gobolka Galgaduud, kuwaasoo kasoo cararay duqeymaha dowladda ay ka waddo Koonfurta Soomaaliya.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baledweyne, ayaa xusay in ujeedka Al Shabaab uu yahay inay ka nabadgalaan duqaymaha ku socda, ayna damacsan yihiin inay gabaad ka dhigtaan degaanada buuraha leh.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay qaadi doonaan tilaabooyin deg deg ah oo arintaasi wax looga qabaanaayo.

Waxa uu xusay in Shabaab ay qaarkood gaareen Degmada Ceeldheer, halka kuwo kalena sida uu sheegay ay u tallaabeen Buuraleyda Galgala ee Gobolka Bari.

Taliyaha ayaa xusay in kuwa aaday dhanka Buuraha Galgala ay u badan yihiin hoggaamiyeyaal.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!