AKHRISO:-Sheekh Shariif oo Goor dhow Baaq Deg-deg ah soo saaray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

AKHRISO:-Sheekh Shariif oo Goor dhow Baaq Deg-deg ah soo saaray

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa baaq dg deg ah kasoo saaray xaaladda abaaraha ee Gobolka Gedo iyo Cudurka halista ah ee COVID-19.

Sheekh Shariif oo Qoraal boggiisa Facebook kusoo qoray ayaa marka hore Ganacsatada Soomaaliyeed  ugu baaqay inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa Wasaaradaha Xukuumadda ay khuseyso xaaladdaha adeg ee dalka ka jira uu ugu horreeyo COVID-19 ka dalbaday inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19.

Beesha Caalamka ayuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ugu baaqay dhankooda kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Sheekh Shariif.

Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.

Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.