Akhriso: Saddexdii Qodob ee Guddoomiye Jawaari hordhigay Madaxweyne Farmaajo & Jawaabta uu ka bixiyay madxweynaha

Read Time:44 Second

Muqdisho (Mareeg News ) Faahfaahin Dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa kulankii xalay dhex maray guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka ayaa la xaqiijiyey inuu guddoomiya Jawaari meesha ka saaray waanwaan daba dheeraata oo arrinta mooshinka laga galo, wuxuuna dalbaday saddex qodob si mooshinkiisa loo guda galo si cadaalad ahna loogu kala baxo:

QODOBADDA WAXAY KALA YIIHIN:

1- In Ciidamada qabsaday laga dul qaado Xarunta baarlamaanka, loona soo celiyo ciidamadii loo tababaray ammaanka xarunta Baarlamaanka.

2- In 10 Maamulood gudahood lagu hor keeno mooshinkiisa Baarlamaanka sida uu qabo Xeer hoosaadka Baarlamaanka, taasoo ka bilaabaneysaa 14-kii bishan Maarso.

3- Iyo in Cod bixintu noqoto Qarsoodi, sida uu qorayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu aqbalay qodobadaasi, balse aanu wax jawaab ah siinin ee uu u sheegay inuu ku wargelin doono, kadib la-tashiyada uu la sameynayo dhinaca kale.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %