Akhriso:-Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Akhriso:-Maxaa looga hadlayaa kulanka Maanta ee Golaha Shacabka?

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah waxaa kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeelan doonaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah  Akhrinta Koowaad ee xisaab xirka Miisaaniyada sanadkii 2018, dhameystirka Axdiga Midowga Afrika ee dhawrista iyo Gargaarka Barakacayaasha Afrika ee (Axdiga Kambaala) iyo Warbixinta Safarkii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Itoobiya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargeliyey in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Golaha,isla markaana ay soo xaadiraan.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa waxaa weli horyaalla ajendayaal dhowr ah oo u baahan inay ka doodaan inta ka harsan sanadkan 2019.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!